DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay in ay wadaan dadaalo lagu Joojinayo dagaal beeleedyada ka dhacaya Gobolka Hiiraan

0

Inta la xaqiijiyay  in ka badan 15 qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal labo maleeshiyo beeleed ku dhex maraya deegaano ka tirsan gobollada dhexe.

Dagaallada ayaa la sheegay inay ka dhasheen dhul daaqsin iyo guryo, waxaana ay dhex marayaan maleeshiyo kasoo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Odayaaasha dhaqanka labada gobol ayaa ku baaqaya in dagaalka si deg deg ah loo joojiyo

Gudoomiyaha Gobolka Hiiran Cumar Aadan ibraahim ayaa sheegay inay wadaan ka maamul ahaan qorsho ay ku baadigoobayaan Nabada iyo dhaxdhexaadinta dhinacyadaasi walaalaha ah ee dagaalamaya isagoo sheegay in  Maamulka Gobolka Hiiran oo wada dadaalo lagu qaboojinayo daminta colaada beelahaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-