DHAGEYSO:- Ahlu Suna oo War Culus ka soo saartay dagaal Beeleedka Deegaanka Beenyaalle

0

Madaxweynaha Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlu Suna WalJameeca Shiiikh Axmed Shaakir ayaa ka hadlay dagaal beeleedka kasoo Cusboonaaday Deegaanka Beenyaale oo dhaca inta u dhaxeyso Maxaas iyo Matabaaan.

Waxa uuna ugu baaqay beelaha walaalaha ah oo ay dirirta ka dhexeyso in ay joojiyaan dagaalka oo ay garbaha is qabsadaan si wada jir ahna ay kaga shaqeeyaan hormarkooda.

Shiiikh Axmed Shaakir ayaa ku nuux nuuxsaday faa”iido dara laga dhaxlo dagaal sukeeye, isagoo sheegay in beelaha walaalaha ah loo baahnaa in ay ka faa”iideystaan fadliga bisha barakeesan ee Ramadaan oo tobankii dambe lagu jiro ahna maalmaha ugu kheyrka badan bishaan.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlu Suna WalJameeca Shiiikh Axmed Shaakir ayaa imanayo iyadoo uu sii xooogeysanaayo dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday deegaanka Beenyaalle ee gobalka Hiiraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-