DAAWO SAWIRADA:- Madaxweynaha Hirshabeelle oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali CabdulaahI Cosoble ayaa goor dhow gaaray magaalaa Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe iyadoo garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen, guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Axmed Barre,wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaank Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa haatan kulamo gaar ah oo ay albaabadu u xiran yihiin waxa uu la leeyahay Madaxweyne ku xigeenka,guddoomiyaha baarlamaanka iyo qaar kamid ah golaha wasiirada dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Waxaa lagu wadaa in goordhow saxaafada uu la hadlo Madaxweyne Cosoble iyadoo dib ugu soo laabashada Madaxweynaha Hirshabeelle ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle isagoo toddobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.