Xiisad ka taagan Mudug iyo Afar qof oo la toogtay

0

Gudoomiyaha degaanka Qeydaro ee Bariga gobolka Mudug ayaa sheegay in Maleeshiyaad hubeysan ay xalay degaankaasi ku dileen Shan qof oo Shacab ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maleeshiyaad ay xabado ku fureen qoys dhan ,islamarkaana ay dhinteen shan qof ,hal qof uu dhaawac soo gaaray.

Dilka dadkaan ayaa salka ku haaya Anooyin  qabiil oo sanooyinki lasoo dhaafay ka taagnaa Bariga gobolka Mudug.

Xiisad ayaa hadda ka taagan degaankii Xalay dadkaasi lagu dilay.