XOG:- Qaar Kamid ah Xildhibaanadii la magac baxay Hor u Socod oo gaaray Dalka Sacuudiga.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku  sugan magaalada Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga ayaa waxa ay sheegayaan in qaar kamid ah Xildhibaanadii Hor u Socod (Dib u Socod) ay gaareen halkaasi iyagoo iminka ku guda jira kulamo ay la qaadanayaan Madaxda iyo Sirdoonka Dawladda Sacuudiga.

Warkan naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in Xildhibaanada Hor u socod uu safarkooda magaalada Riyadh uu yahay mid lagu manjo xaabinayo go’aanka Madaxda Dawladda Soomaaliya sidoo kalena lagu dhabar jabinayo Qaranimada Soomaaliya.

Xildhibaanadan gaaray magaalada Riyadh ayaa bil ka hor waxa ay isku dayeen in ay Mooshin ka keenaan dawladda Soomaaliya, waloow uu ka dhicisoobay, haddana waxaa muuqata in isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay u isticmaalayaan sidii ay fulin lahaayeen qorshahooda siyaasadeed iyagoo ku badlanaya fulinta qorshahaasi lacago lalauush ah.

Isku soo wada duuboo waxaan la ogeyn talaabada ay dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka qaadi doonaan Xildhibaanadan la magac baxay Hor u Socod marka ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Waxii Kasoo kordha Warkan kala soco Allgalgaduud Media