XOG:- Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo kulan la qaatay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socday Imaaraadka Carabta.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble uu safaarada dawladda Imaaraadka Carabta ku leedahay magaalada mqudisho uu kulan kula qaatay Safiirka Imaaradaka Carabta iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socday dalkaas.

Warkan aya aintaasi waxa uu ku darayaa in kulankan labada dhinac ay ay uga wada hadleen go’aanka dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya dawladdaha Carabta.

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyadeena labada dhinac ayaa waxa ay isla qaateen in la mucaarado go’aanka dhex dhexaadniamda ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya garabna la siiyo Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sidaa si le’eg waxaa dhankiisa loo sameeyay balan qaadyo dhaqaale iyo mashaariic ah haddii uu fuliyo arrintaas oo uu ka hor imaado go’aanka Dawladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa aabihii Ex Wasiir Mudane Cabdullaahi Cosoble Siyaad waxa uu Hotel ku leeyahay magaalada Dubai halkaas oo weliba u deegaan ahaan uu daganaa tan iyo burburkii dawladdii dehxe ee Soomaaliya ee uu wasiirka ka ahaa, taasoo sahleysa in uu Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble uu taageero go’aanka Imaaraadka carabta.

Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in Mas’uuliyiinta iyo hawlwadeenda kale ee Safaarada dalka Imaaraadka Carabta ku leedahay caasimada Soomaaliya Muqdisho ay faraha kula jiraan dagaal ba’an oo ka dhan ah Dawladda Soomaaliya iyagoo mar wlaba shirar ugu qabanaya gudaha Safaaradooda Wasiiro, Saraakiil iyo Xldhibaano ka tirsan dawladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta mamaul goboleedyada qaarkood

Waxii Kasoo kordha Warkan kala soco Allgalgaduud Media