XOG:- EX R/wasaare Cumar Cabdirashiid oo ka wada magaalada Dubai qorshe ka dhan ah go’aankii Dawladda FS ee Khilaafka dawladdaha Carabta iyo Maamul Goboleedyo uu la shiray.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Dubai ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid uu magaalada Dubai ka wado qorshe ka dhan ah go’aankii dawladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka dawladdaha Carabta.

Warkan ayaa intaasi waxa uu kudarayaa in R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid uu magaalada Dubai ka wado olole lagu ridinayo go’aanka dawladda Soomaaliya halkaas oo uu kulamo kula yeeshay Mas’uuliyiin ka socda maamul goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Sida ay inoo xaqiijinayaan ilo wareedyadeena R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo saraakiil ka tirsan sirdoonka dawladda Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay mas’uuliyiinta ka socday Maamul goboleedyadaas  kulanka kula qaateen magaalada Dubai waxa ayna uu u sheegeen in ay muhiim tahay in Maamul goboleedyadaas ay mucaaradaan go’aanka dhex dhex dhexaadnimo ee ay qaateen Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona u balan qaaday maamul goboleedkii la qaata qorshihooda in badalkeeda Dawladdaha isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ay siinayaan dhaqaale iyo Mashaariic horumarineed maamuladooda.

Dhinaca kale Dalaalka Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa dhanka kale waxa uu Mas’uuliyiinta ka socday maamul goboleedyadaas uu u sheegay in loo baahan yahay in deegaanadooda ay ka dhacaan Dibedbaxyo lagu taageerayo Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Isku soo wada duuboo Madaxda Dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay ku adkeysanayaan go’aankooda ah inay dhex dhexaad ka yihiin khilaafka u dhexeeya dawladdaha Carabta taas oo ay si aad ahna usoo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed gude iyo dibedba.

Waxii Kasoo kordha Warkan kala soco Allgalgaduud Media