XOG: 7-Mashruuc oo Sacuudiga Somalia ka fulin lahaa oo Qatar darteed loo hakiyay

0

Soomaaliya ayaa la kulmeysa cadaadis nuucyo kala duwan tan iyo markii uu bilowday Khilaafka u dhaxeeya Dowladaha Khaliijka, waxay sababi karaan caqabadahan in ay hakad geliyaan hormarka iyo dib u dhiska dalka ka socda.

Dowladda Sacuudiga ayaa dib u dhigtay mashaariic waaweyn oo ay Soomaaliya ka fullin rabtay sababo la xiriiro mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aadan Khilaafka dowladaha Khaliijka markii ay sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay.

Dowladda Sacuudiga ayaa cadaadis weyn ku saartay Soomaaliya sidii ay xiriirka ugu jari laheyd dalka Qatar, waxayna Dowladda Soomaaliya muujisay inaysan diyaar u aheyn xiriir loo jaro Dalka Qatar oo dano badan ay kala dhaxeyso.

Haddaba markii ay Soomaaliya go’aankaas qaadatay, dowladda Sacuudiga ayaa amar ku bixisay in si deg deg ah loo hakiyo mashaariicdii Soomaaliya laga fulin lahaa, taasoo dhibaato ku noqotay dowladda Farmaajo.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso liiska mashaariicda ay Sacuudiga ka fullin rabtay Soomaaliya ee u baaqday Qatar darteed:

Dhismaha Garoon Diyaaradeed Caalami ah, kaasoo laga dhisi lahaa Duleedka Muqdisho

Dhismaha Wado ilaa 230 KM oo aan la cayimin halka laga dhisi lahaa/

Dhismaha xarun cusub oo Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo la doonayo in laga dhiso banaanka Muqdisho.

Dib u howlgelinta Shirkadii Diyaaradaha Somali Airlines iyo diyaarado la siinayo Soomaaliya si howshaas dib loogu soo celiyo.

Dhisme iyo dayactir ilaa 6 Dekadood oo ku kala yaal qeybaha kala duwan ee Soomaaliya.

Mashaariic horumainta Beeraha iyo Xoolaha si sare loogu qaado wax soo saarka Soomaaliya.

Mashaariic shaqo abuur oo aan tiro ahaan si rasmi ah loo cayimin.