Wasiiro ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo ku shirsan magaalada Gaalkacyo

0

Wasiiro ka tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa hadda shir uga socdaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Shirkaan ayaa shir horudhac u ah waxaa shalay lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta dowlad goboleedka Galmudug.

Waxaa Shirkaan ka qeyb galay Wasiiro ay ka mid ah yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Maxamed Xayir Nuur iyo Wasiirka degaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame.

Sidoo kale waxaa Shirkaasi ka qeyb galay Mas’uuliyiinta gobolka Mudug sida Gudoomiyeyaasha labada Dhinac.

Shirka ayaa hadda ka socda Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana si weyn diirada loogu saaraya Nabadeynta gobolka Mudug.