WARBIXIN:-Dawladda Imaaraadka Carabta oo 3 Bilyan oo Doollar ku bixisay in la rido Dowladda Madaxweyne Erdogan ee Turkiga.

0

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inuu olole u galay, dhaqaale badanna ku bixiyay sidii loo ridi lahaad dowladda Turkiga ee Xisbiga AK Party.

Sida aya shaacisay saxaafadda Turkiga dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inuu lacag fara badan badan ku bixiyay sidii loo ridi lahaa dowladda Turkiga ee uu hogaamiyo madaxweyne Rajeb Dayyib Erdogan.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa dhowaan sheegay in dowlad muslim ah ay lacag dhan lacag dhan 3 Bilyan oo Doolar ku bixisay in la rido madaxweyne Erdogan, iyadoo taageertay afgenbigii la isku dayay in laga rido dalka Turkiga 15 July ee 2016.

Qoraa lagu magacaabo Mehmet Acet ayaa soo xaqiijiyay in dalka aanu magacaabin wasiirka uu yahay Imaaraadka Carabta, wuxuuna jariirada Daily Sabah u sheegay in ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ay u xaqiijiyeen in dalkaasi yahay Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka ayaa lagu eedeeyaa inay gacanta kula jirto dalal dhowr ah iyadoo adeegsata lacag fara badan, waxayna arrintan uga sii dareysaa xaaladda ka taagan Khaliijka oo Turkiga uu si buuxda u garab istaagay dalka Qatar.