WAR FARXAD LEH:- Go’aankii Madaxweyne Farmaajo uu ku diiday $80-ka Milyan ee Doollar kadib Shacabkii Sucuudiga oo bilaabay Ixitiraamka Soomaalida Wadankooda ku nool.

0

Muwaadin Soomaali ah oo mar dhoweyd iga soo wacay magaalada Jiddah ee dalka sucuudiga ayaa ii sheegay in afurkii kadib uu gurigiisa ugu yimi oday sacuudiyaan ah oo ay deris ahaayeen.

Odayga sucuudiyaanka ah wuxuu igu yiri soomaalida waxaan u haystay dad duruufeysan oo wax walba yeeli kara lakiin barasho wanaagsan maanta waxaan bartay wejigiina dhabta ah, waxaan fahmay in soomalidu tahay dad miisaan ku leh aduunka.

Muwaadinka ila soo xiriiray wuxuu intaas ku daray odayga sucuudiyaanka ah sanado baddan ayaan deris ahayn salaan iska dhaafe xataa indhaha nooma dhameystiri jirin oo waa na yasi jiray lakiin maanta wuxuu ii muujiyay qadarin , waxaa ka muuqatay inuu arkay inaan nahay dal iyo dad la siman.

Waa taas faa’iidada ugu yar ee aynu ka helnay go’aankii taariikhiga ahaa ee dowladeennu qaadatay.

Walaal Share garee si walaalo badan ugaarto .

SOOMAALIYA HA NOOLAATO!

Qalinkii Cawaale salat.