WAR DEG DEG:- Afar ruux oo lagu dilay Galgaduud

0

Wararka naga soo gaaraya degaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Saaka Maleeshiyaad hubeysan ay duleedka degaankaasi ku dileen Afar qof oo xoolo dhaqato ah.

Dilkaan ayaa waxaa loo geystay dadka reer guuraa ah sida uu sheegay qof ka mid ah dadka degaanka.

Dilkaan waxaa uu salka ku haaya Anooyin qabiil.

Degaanka Kaxandhaale ayaa waxaa uu ku yaalla Xadka gobolka Galgaduud uu la wadaagto dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Odayaasha dhaqanka degaanka ayaa waxa ay waddaan dadaallo kala duwan oo ay ku doonayaan in ay wax kaga qabtaan falalkaan kusoo laablaabtay degaanka Kaxandhaale .

Maalmo ka hor ayaa degaanka Gelinsoor lagu dilay Saddex ruux , waxaana Wararku ay sheegayaan in dilka Afartaan nin uu arintaasi la xariiro.