TOP DHAGEYSO:- Shirkii Hanaanka Xisbiyada Siyaasada Puntland oo Garoowe lagu soo Gaba Gabeeyay

0

Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland lagu soo gaba gabeeyay Shir weyne looga arrinsanayey doorashooyinka hanaanka xisbiyada badan ee Puntland.

shirkaan ayaa waxaa looga hadlayay arimaha doorashooyinka Puntland iyo hanaanka Xisbiyada ka jira deegaanada Puntland waxa uuna socday mudo Sadax Maalin ah kas oo maanta la soo gaba gabeeyay.

Masuuliyintii shirkaas ka hadashay ayaa dhmaantood waxa ay ka hadleen hanaankii loo mari lahaa doorashooyinka puntland iyo awooda ay ku leeyihiin Xisbiyada Siyaasadeed ee ka jira deegaanada Maamulka Puntland.

Ugu dambeen shirkaas ayaa waxaa laga soo saaray Lix Qodob oo muhiim u ah doorashooyinka Puntland,waxana Warmutiyeedkii ka soo baxay Shirkaas Warbaahinta u akhriyay Xogheyaha Guddiga KMG,ka ah ee doorashooyinka Puntland  Maxamed Siciid Cumar.

HALKAAN KA DHAGEYSO