Somalia oo ku adkeysaneysa in ay weli Dhexdhexaad ka tahay Khilaafka Dalalka Khaliijka.

0

Diblumaasi Soomaaliyeed oo u warramayay Wakaaladda Wararka ee Anadolu  ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ka weecan doonin Mowqifkii Dhexdhexaadnimo ee dhawaan ay iska taagtay Muranka wadamada Khaliijka.

Afhayeenka u hadlay Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Pretoria ee dalka Koofur Africa kaas oo lagu Magacaabo Cabdi Xalane Xirsi ayaa Anadulu u sheegay  in Somalia ay ka qaadatay xiisadaasi Go’aan Dhexdhexaad ah islamarkaana ay ku boorisay labada dhinac in wadahadal arrimahooda ku soo afmeeraan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhawaan faafisay in  Wadamada Khaliijka oo walaalo la ah Soomaaliya ay arrimahooda miiska wadahadalka ku dhameystaan ayna dhex dhexaadiso Jaamacadda Carabta iyo Ururkada Iskaashiga Islaamka islamarkaana Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xal u helista murankaasi.

Sidoo kale Diblumaasigaan Soomaaliyeed ayaa beeniyay warar la isla dhexmarayay oo ku aadan in Sacuudiga uu u diiday Dowladda Soomaaliya Lacag uu horay ugu yaboohay oo gaareyso 50 Million oo dollar taas oo uu shuruud uu uga dhigay sida la hadal haayay in ay xiriirka u jarto Qatar.

“ waxaan ka aaminsanahay in warbixinadaasi yihiin kuwa aan Sal iyo Raad toona lahayn ee ka fog Xaqiiqda” sidaas waxaa yiri Diblumaasigaasi ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Africa.

Dhinaca kale Masuul diiday in Magaciisa la shaaciyo ayaa Warbaahinta u sheegay in Wafdi Wasiiro Xukuumadda Somalia ka tirsan ay ka kooban yihiin booqashadii ay dhawaan ku tageen Sacuudiga ay kala soo noqdeen Waji Gabax kadib markii ay kala kulmeen Sacuudiga Cadaadis ku aadan in dowladda Soomaaliya xiriirka u jarto Dalka Qatar.

Masuulkaan u warramay Anadolu ayaa intaas ku daray in uu rumeysan yahay in Somaliya aysan qaadi doonin wax tallaabo ka dhan ah Qatar maadaama ay dooneyso Midnimada Caalamka Islaamka oo dhan.

Dad ka faalooda Arrimaha Dhaqaalaha ayaa walaac ka muujinaya in Soomaaliya oo si weyn ugu tiirsan xoolaha ayna u dhoofin jireen Sacuudiga  iyo wadamada kale ee Carbeed ay soo food saari karto xayiraad ku aadan Xiriirkaasi Ganacsi taas oo dhibaato dhaqaalo ay kala kulmi karto Somalia.