DHAGEYSO WARBIXIN+SAWIRRO:- Shirweyne Dib u heshiisiin ah oo Muqdisho ka furmay

0

Magaalada Muqdisho Waxaa maanta ka furmay Shirweynaha Wadatashiga Qaranka ee Hanaanka dib u heshiisiinta, waxaana soo qaban qaabisay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Shirkan ayaa noqonaya noociisa midkii ugu horeeyay ee la qabto 10 sano kadib oo ay ka qeyb galaan boqolaal qof.

Shirka ayaa waxaa maanta si rasmi ah u daah furay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Waxaana ka qeyb galaya Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee dowlad goboleedyada dalka ka jira, xubno ka socday Ururada bulshada rayidka, Culima’udiin, Nabadoonada iyo Odayaasha dhaqanka, Maamulka gobolka Banaadir, Wasiiro ka tirsan Xukuumada iyo Marti Sharaf kale.

Sidoo kale Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Waxaa shirkan diiradda lagu saari doonaa inta uu socdo sida ugu haboon ee xalka looga gaari karo khilaafyada soo kala dhexgala Soomaalida iyo in la helo dib u heshiisiin guud oo dhab ah.

Guddoomiyaha dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqay in ay dhaqan geliyaan qodobada ka soo baxo Shirkan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa sharaxay qodobada ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in ay muhiim tahay dib u heshiinta qeybaha hoose laga soo bilaabo oo dadka Soomaaliyeed hantida ay kala heystaan loo kala celiyo.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay hada u baahan yihiin 2 dib u heshiisiin oo kala ah mid diimeed iyo mid Siyaasadeed.

Shirkan ayaa waxa uu socon doonaa muddo 5 maalin ah oo ka bilaabaneysa maanta, waxaana gaba gabada shirka lagu wadaa in ay ka qeyb galaan Madaxda Sare ee Dowladda.

HALKAAN KA DHAGEYSO