DHAGEYSO:- AMISOM iyo Koonfur Galbeed oo ka wada hadlay amniga

0

Taliyaha Ciidanka Booliska AMISOM ee Soomaaliya General Bile ayaa waxa uu gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska AMISOM ee Soomaaliya iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka AMISOM, kulanka sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Wasiiro ka tirsan K/Galbeed.

Kulanka oo socday waqti badan ayaa waxaa looga hadlay sidii AMISOM ay u kordhin laheyd sugidda amniga degaanada Koonfur Galbeed iyo waliba qalabeynta Ciidanka Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

HALKAAN KA DHAGEYSO