DAB QARXADAY DAREEMO IS-HARDIYEY DOOD LA BIXIN WAAYEY,
DUNIDOO MAR QURA OOGSATIYO DAW-LA=FURIWAAYEY,
SIR DAHSOON SIYAASADA IS-DARDARAY DANO HESHIIN WAAYAYEY.
DOQONKU WAA YAQAANNA INUU DOOGGA EEXSADO-E,
WAX KUU DARAN, WAX SIIDARAN NINKII DOORTAYBAA RAGEHE,
DIRQI BAY TALADU TAAGANTAY DIIQO-SOCDWAAYE,
DA’YARDIYO DAMIINNO IS-CUSKADAY WAWGA DARAYAANE,
DANAHA GAARNNA WAXAY KEEYAAN DAQARRO WAA-WEYNE,
DOQANKANA WARKIIS DAA HUNAHA DOR-IS-BIDAHAA’E,
WALOW AAN DUDURO LOO HELAYN WAXA AAN DOONEYNO,
DAD LA XULAY IYO WAXAA SUULIN KARO DAWLAAD CAADIL HE,
Tixta kor ku qoran ee la macag-baday dareen kicis waxay hor-dhac u tahay maqaal aan kaga hadlayo xaaladda cakiran ee ka taagan KHALIJKA
WAJIGA XAALADDU LEEDAY
DAWLADAHA KHALIJKU WAA LIX, SADDEXTII UGU TUNWEYNEYD WAXAY GOOSTEEN IN AY KHADAR CADDIBAAN
BARIGA DHEXE MIISAAN WEYN MA LEH OO WAA HORAA LAGA SHAYSTAY. LAAKIIN MASAR OO U ROON WAXAY RAACDAY GARABKA SCUUDIGA
MARAYKANKA OO ILAAH KA SOKOW DUNIDA XUKUMA WUXUU U XAGLINAYAA DHANKA SACUUDIGA.
SACUUDIGU DHAQAALE XAD-DHAAF AYUU SOOMALIDA U BALLAN QAADAY, WUXUU KALOO QAATAA XOOLAHEENNA, AUE-NA WAA DAWLADDA KUWA CABTA AH NOOGU RAAN, IN KASTA OO AY WAAYAHAAN DAMBE FARAGALINTA XIISEYNEYSO
INTAAS MARKII LAYSKU XOORIYO WAXAA MUUQAN KARA, IN DANTA SOOMAALIYA KU JIRTO IN AAN RIYAAD ISUDHIIBNO. (LAAKIIN ARRINTU INTAAS KUMA DHAMMA).
NIN AYAA YIDHI WAXAAS DAY. NIN KALAA YIDHI WAXA KA SOKEEYA DAY.
DAWLADAHA KHALIIJKA WAA KALA BARMEEN,WAA SADDEX IYO SADDEX
WAWLADIHII ISMAAMKA U TUNWEYNAA EE AY KA MID YIHIIN TURKIGA IYO IIRAAN WAXAY RAACEEN KHADAR.
MARAYKANU WAA DHINACYEYNAA (DILEMMA)
YURUB WAXAA KA SOO BAXAY IFAFAALAYAAL KHADAR U HIILINAYA SIDA JARMALKA.
QUWADAHA SHUUCIGA AH WAXAA WAA SIDA YURUTA OO KALE (DHAGEYSO RUSHKA).
TURKIGA WAA SAAXIIBKA RUNTA AH EE SOOMALIA (SACUUDIGA MAYA).
LABADA QUWADOOD EE IS HAYA MID WUXUU KUU DHIMI KARO, KANKALENA WAA KUU DHIMI KARAA.
WAXA DHALAALA OO DHAME DAHAB MAAHA
SACUUDI CABIYA WALIGEED SOMAALI OOF KAMA SOO CELIN (WAX FIICAN UMA QABAN).
WALIGEEDNA MADAX WEYNE SOOMAALIYEED UMA SOO DHAWEYN SIDII AY M/W FORMAAYO U SOO DHWEYSAY.
WAXAA IS KA CAD IN MARKAY WAFTIGA SOOMALIYEED EE M/W FORMAAYO HOMAAMINEY AY KOOL-KOOLINEYSAY
AY ARRINTA HADDA SOO DAAHIRTAY MIISKA U SAARNAYD. WIXII BALLA QAAD AHAANA AY INDHO-SARCAAD AHAYN.
GABAGABADII.
MAR HADDAY LABADA DHINACBA INA DHIBAATAYN KARAAN.
MAR HADDAAN LA HUBIN SIDA XAAL NOQONDOONO.
MAR HADDAAN LA HUBIN BALLAN QAADKA SACUUDIGA RUNNIMADIISA..
SOO INOOMA EKA IN AAN CUSKANNO MAAH-MAAHADA AH (DAREEN CAWO WAA LOO WAABARIISTAA)
(HALLAY DILO ANOO XAQA DARDAARMAYA) WAXAA LAGA DHAXLAY ABWAAN XILDHIBAAN CABDI SHRE CAYAARJECEL.
TALADAYDA:- XAALADDA HA LA BAXNAANIYO INTA AY DHAN U DHACAYSANA DHEX-DHEXAAD HA LAGA AHAADOI.
M/WNA.
GOLAHA WASIIRADA.
LADDI GUDDI SARE EE LABADA AQAL HA KA TASHADEEN SHACABKUNA GO’AANKII SOO BAXA HA TAAGEERO DANLAHA IYO DAMIINKANA LA DARDARO.
QORAA KHALIF ASHKIR DIINIXOOSH.
TEL 0619012357.
EMAIL. KHALIFASHKIR35@HOTMAIL.COM