TOP NEWS:- Ciidamo Maraykan ah oo Maanta Lagu Arkay Muqdisho

0

Nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu arkay ciidamo badan oo Maraykan ah.

Ciidamadan ayaa ka yimid sida la sheegay dhanka Xalane, waxaana ay  kusoo dhowaadeen KM-4 halkaasi oo saacado kooban ay joogeen.

Tiro ahaan waxaa lagu qiyaasay illaa 50 Askaro oo wadatay gaadiidka Gaashaaman ee Maraykankanka ku caan yahay.

Lama oga illaa iyo hadda ulajeedka rasmiga ah ee Magaalada Muqdisho usoo dhex galeen, xilli ciidankaan ku ekaayeen xerada Xalane.