Ahlusunna oo wafdi dhex-dhaxaadin ah udirtay xiisad Beeleed ka jirta Xadka Galgaduud iyo Hiiraan.

0

Wararka laga helaayo Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobalka Galgaduud ayaa sheegayo in Maamulka Ahlusunna uu wafdi udiray xalinta dagaal beeleed ka dhacay Deegaan ku yaalla xadka Gobalada Galgaduud iyo Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Wafdiga ayaa isugu jira Saraakiil ka tirsan Ahlusunna Waljameeca Culumaa udiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna waxaana la filayaa in ay xal u raadiyaan dagaal beeleedkii halkaasi ka dhacay.

Beelo wada daga Xadka Galgaduud iyo Hiiraan ayaa dhowr jeer dagaalo halkaasi ku dhex-maray isaga dilay Dad badan oo dhamaantoodba ahaa dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay waxaana wali ka taagan xaalad dagaal oo cabsi gilisay dadka deegaanka.

Wafdiga ayaa ku rajo weyn in ay xal u helaan dhibaatada halkaasi ka taagan oo dhibaato laga dhaxlay.