TOP NEWS:- Diyaaradaha Kenya oo duqeeyn ku dilay dad rayid ah gobolka Gedo.

0

Diyaaradaha Kenyaa ayaa Waaberigii Saaka waxa ay duqeeyeen Tuulada Garas Dulan oo degmada Baardheere 53 Km dhanka Galbeed ka xigta.

Wararka ayaa sheegaya in 3 qof oo Rayid ah uu dhaawac aad u daran ka soo gaaray weerarkaasi.

Dadkaasi dhaawacmay ayaa dhaawacyadooda waxaa la geeyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Deegaanka la duqeeyay ayaa waxaa ka arrimiya dagaalamayaasha Xarakada Al Shabaab, waxaana uu u dhow yahay deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media