Soo ma haboona in laga baddelo magac Galmudug maamul goboleedka Galmudug?

0

Soo ma haboona in laga baddelo magac Galmudug maamul goboleedka Galmudug maadaama magacaas uu jiray dhismihii maamulka ka hor loona yaqaanay maamul ay lahayd beesha madaxweyne Xaaf ee gobolka mudug.

“Maahmaah Soomaaliyeed ayaa oranaysa meeshaad nin ka qaadatay nin ayaad uga tagtay” hadaba waxaa ka dhex muuqda aas aaskii maamulka Galmudug in lagu hoos qariyey ujeeddo ay beel ka mid ah beelaha reer Galmudug ay ku marooqsadeen magacii iyo dastuurkii maamulka Galmudug, ujeeddadaasi qaldanayd waxay fogaysay dhamaan beelihii kale ee maamulka wax ka dhistey.

Hadaba hadaan la qadari aqliga saliimka ah ee daacada ku dhisan ee doonaaya inay bulshada gobolada dhexe aayahooda ka tashadaan isla mar ahaantaasna u midoobaan horumarinta maslaxadooda waxaa la qadariyey caqliga bukaanka ah ee daneysiga, fadlan ugu shubo iyo fowdada qabyaaladeysan ku dhisan.

Waxaa ila quman dar Allaah in wax laga badelo magaca iyo dastuurka maamul goboleedka hada loo yaqaan Galmudug si loo helo kalsoonida shacabka maamulkaasi matalo inshaa Allaah.

Wa billaahi towfiiq

Nabadoon Cabdulcasiis Maxammad Ciisadheere (Shaaciye).
Stockholm Sweden
Tel. +46767131933