Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka IGAD iyo Farmaajo oo ka Cudur daartay

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas uu maanta ka furmi doono shir madaxeedka dalalaka IGAD.

Shirkaan waxaa ka qeyb gali lahaa markii Hore Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Ffarmaajo, balse cadur daar  ayaa ka bixiyay wuxuuna u wakiishay Raisulwasaare Kheyre.

Shir madaxeedka IGAD ayaa looga hadlayaa xaaladda dalka Koonfurta Suudaan ka aloosan, waxaana madaxda IGAD isugu yereay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo hadda ah guddoonka urur Goboleedka IGAD.

Safarka Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa noqonaya kii labaad ee uu dibadda ugu baxo, iyo socdaalkiisii ugu horeeyay ee uu ku tagayo Magalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethopia.