DAAWO:-Dowladda Imaaraadka Carabta oo six un ula dhaqantay Arday Soomaaliyeed oo Tartan Quraan dalkeeda ugu qeyb galaayay

0

Imaaraadka ayaa masaafurisay ardaygi  Soomaaliya uga qeyb galaayay tartankii Quraanka ee dalkaasi ka socday, tartamihii metalaayay Qadar isaga looma ogolaanba inuu tartanka galo, halka Ismaaciil Bakistaani oo Soomaaliya metelayeyna loo diiday abaalmarintii, lana amray inuu dalka ka baxo.

Madar , oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee uu kasoo dhoofayey, wuxuu bulshada Soomaaliyeed la wadaagay sida wax u dhaceen, wuxuu sheegay in mar walbo dareen jiray, laakiin markii wafdiga Qadar tegay Soomaaliya, ay sababtay in abaalmarintiina loo diido, wadankana laga saaro.

Soomaaliya ayaa dhex dhexaad ka noqotay khilaafka u dhexeeya Qadar iyo wadamada sacuudiga iyo imaaraadku hogaaminayaan.

Laakiin Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa go’aanka Soomaaliya u arka mid u daneenaya Qadar, waxaana isa soo tartaya , cadaadis dhinacooda kaga imanaya dowladda Federaalka, hadana aad moodo inuu u gudbay shacabka Soomaaliyeed.