DHAGEYSO:- Waxgaradka Gobolka Mudug oo go’aano Culus soo saaray

0

Qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa ku baaqay in la joojiyo Colaada kasoo cusboonaatay degaanka Jeexdin ee gobolka Mudug.

Waxgaradka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado xiisada u dhaxeysa Maleeshiyaadka kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug ee hadda ka taagan gobolka Mudug.

Cumar Maxamuud Nuur oo ka mid ah waxgaradka  gobolka Mudug ayaa waxaa ugu baaqay Madaxda maamulada  Puntland iyo Galmudug  in ay wax ka qabtaan colaada ka taagan degaanka Jeexdin.

Waxaa uu ugu baaqay Maleeshiyaadka  is horfadhiya  in ay dagaalka iyo xiisadda joojiyaan ,islamarkaana ay nabadda qaataan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa xiisad u dhaxeysa Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug , waxa ay ka taagneyd degaanka Jeexdin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-