DHAGEYSO:- Mid ka Mida Mas’uuliyiintii uu Madaxweyne Cosoble u Magacaabay Gobolka Hiiraan oo Iscasilay

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa Labo Maalin ka hor Xilalkii ka qaaday Maamulkii Gobolka Hiiraan,waxaana uu Magacaabay Maamul Cusub oo badalay Maamulkii hore ee la kala diray.

Mas’uuliyiinta uu Madaxweyne Cosoble Magacaabay waxaa ku jiray  C/rashiid Sheekh Cali oo loo Magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Gobolka Hiiraan,waxaana uu C/rashiid Waxa uu sheegay inuu iska Casilay Xilkaas islamarkaana uusan war ka heyn Magacaabistiisa oo Warbaahinta uu ka Maqlay oo keliya.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan u caddeynayaa in aanan Xilkaas qaban doonin oo uu yahay Xil aanan waxba kala socon haddana aanan qaban doonin”ayuu yiri C/rashiid Sheekh Cali.

Hoos ka Dhageyso Codka:-