DHAGEYSO:- Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dalka oo dhan laga Xoreynayo Al-Shabaab 2 sano gudahood

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi(Farmaajo) ayaa ugu baaqay Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah dagaalyahanada A-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay yihiin kuwo difaacaya dalkooda dadkooda islamarkaana looga baahan yahay in mudo laba Sano Gudahood ah ay Al-Shabaab uga xureeyaaan dalka oo dhan sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeen ayaa waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo,in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhisida ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,islamarkaana bil walba ay heli doonaan Mushaaraadkooda.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa shalay kulan waxa uu Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga kula qaatay Saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya kaas oo looga arinsanayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-