DHAGEYSO:- Diyaar Garoow Xoogan oo laga dareemayo Gobalka Gedo

0

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga  Gobalka Gedo   Cismaan Nuur Xaaji ayaa ka warbixiyey diyaar garoow xoogan oo  ay maamulkaasi ugu jiraan sidii Xarakada Alshabaab ay kaga saari lahaayeen goobaha ay kaga harsanyahiin gobalkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in dagaal xoogan ay dhawaan ku qaadi doonaan goobaha dagaalyahanada alshaab ay kaga suganyahiin gobalkaasi,isagoo ku nuux nuuxsaday in ay u mideesanyihiin maamulka iyo shacabka gobalkaasi waxa uu ku tilmaamay la dagaalanka alshabaab.

Hadalka Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga  Gobalka Gedo   Cismaan Nuur Xaaji ayaa imaanayo iyadoo horaan madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mamaxed Cabdullaahi Farmaajo  uu iclaamiyey dagaal ka dhan ah Dagaalyahanada Xarakada Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-