DHAGEYSO:- Cabsi Soo Wajahday Gudoomiyayaashii Hore ee degmooyinka G/Banaadir iyo Fariimo Hanjabaad ah oo loo diray

0

Gudoomiyihii Hore ee Degmada heliwaa ee Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Cabdule(Cumar Jacfaan) ayaa dowladda Soomaliya ka dalbaday in ilaalo gaar ah loo sameeyo Gudoomiyaaashii Hore ee Xilalka laga qaaday.

Cumar Jacfaan gudoomiyihii Hore ee Degmada Heliwaa ayaa sheegay in Dowladda Federaalka  Soomaliya ay dayacday amaanka qaar kamid ah Gudoomiyayaashii hore ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ee xilalka laga qaaday islamarkaana haatan loogu daray in hub ka dhigis lagu sameeyo.

“Dowladda Federaalka Soomaliya way dayacday Gudoomiyayaashii horee e Degmooyinka  Gobolka Banaadir ee Xilalka laga qaaday, amaankooda ma sugna haatan, waxay u baahan yihiin ilaalo gaar ah oo dowladda Soomaliya laga doonayo in ay u sameyso, shalay markaan xilalka haynay dowladda way na daryeeli jirtay, amaankeena si weyn ayaa loo adkeyn jirey, maanta waa nala dayacay”,ayuu yiri Gudoomiyihii Hore ee Degmada heliwaa Cumar Jacfaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-