WAR DEG DEG AH:- Wariyaasha oo loogu yeeray Madaxtooyada Puntland

0

Wararka naga soo gaaraya Magalada boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland ay isugu yeereen Saxaafada Madaxa Banaan ee ka howlgasha deegaanada Maamulkaas.

Saraakiisha ayaa Wariyaasha u sheegay in saacadaha soo socda la geyn doono deegaanka Af-Urur ee duleedka Magaalada Boosaaso  halkaas oo dagaal culus uu ku dhex maray ciidamada Puntland iyo kuwa Al-Shabaab si loogu soo bandhigo xaqiiqda dhabta ah ee kajirta halkaasi.

Diyaar garoow iyo dhaqdhaaq Ciidan ayaa laga dareemayaa haatan Magaalada boosaaso iyadoo Ciidamada Maamulka Puntland heegan buuxa la geliyay.