DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Banaadir oo soo dhaweeyay Hub ka dhigista Muqdisho ka socota

0

Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa ka dhacay Shirka Guud ee Golaha amniga Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Waxaana ka qeyb galay Xubnaha Golaha amniga Gobolka iyo Saraakiisha Amaanka Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay ammaanka guud ee degmooyinka gobolka Banaadir iyo sida lagu xoojin karo wada shaqeynta Hay’addaha ammaanka iyo Shacabka Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay howlgalada Hub ka dhigista ee ka soconayo magaalada Muqdisho iyo Howlgalada kale ee lagu Xaqiijinayo ammaanka Caasimada.

Golaha amniga Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Howlgalada hub ka dhigista ah ee ka socda Muqdisho, waxa ayna sheegeen in ay si wanaagsan oo dar dar leh ay ku socdaan Howlgaladaasi.

Guddoomiye ku Xigeenka dhanka Siyaasada iyo amniga ee maamulka Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay in shirkooda ay si qoto dheer kaga doodeen caqabadaha la xiriira Howlgalada ka socda Muqdisho

Hoos ka Dhageyso Codka:-