Shil gaari oo ka dhacay Dalka Hindiya iyo Khasaaro ka dhashay

0

Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta dalka Hindiya Ugu yaraan 22 ruux ayaa dhimatay ka dib markii bas ay ku safrayeen uu ku dhacay gaari kale oo marayay gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya.

Shilkaan ayaa ka dhacay magaalada Bareilly oo 251km u jirta caasimadda Lucknow Saakay Aroortii.

Sarkaal sare oo booliis ah ayaa sheegay in 22ka ruux ee geeriyooday ay si xun u burbureen ayna adagtahay in isla markiiba la aqoonsado.

Baskaan ayuu dab qabsaday ka dib markii ay gaariga kale isku dhaceen, booliiska ayaa baadigoobaya darawalkii gaariga xamuulka ah ee ay baska isku dhaceen.

Afhayeenka guud ee booliiska gobolka Uttar Pradesh, Rahul Srivastav, ayaa sheegay in ay baska saarnaayeen 41 ruux, kuwa ku dhaawacmayna loola cararay isbitaal.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo xigatay booliis sheegaya in albaabadii basku ay isku dhageen ka dib markii uu shilku dhacay dadkiina ay ku dhex xannibmeen.

Dad aan badnayn ayay u suurtagashay in ay baxsadaan ka dib markii ay jajabiyeen daaqadihii gaariga.