XOG: Wada hadal sedex jeer Fashilmay oo mar kale u bilowday Al-shabaab iyo Daacish

0

Hogaanka Sare ee maleeshiyada Al­shabaab ayaa la xaqiijiyay inay wada hadal kula jiraan Maamulka sare Kooxda Daacish.

Wadahadalka labada dhinac ayaa waxa uu u dhexeeyaa Hogaamiyaha Sare ee Alshabaab Ahmed Omar Abucubeyd iyo dhigiisa Kooxda Daacish Abuubakar Al­Baqdaadi. Wadahadalka labada dhinac oo sanadkii hore soo bilowday ayaa fashilmay muddo Seddex jeer, kadib markii labada dhinac ay isku fahmi waayeen qodobada ay kala wateen.

Horjoogaha Daacish Abuubakar Al­Baqdaadi, ayaa Al­shabaab usoo jeediyay inay bixinayaan Mushaaraadka, Agabka lagu fulinaayo weerarada iyo dhaqaalaha gaarka ah ee loo isticmaalayo sida Qaraxyada iyo Gaadiidka.

Abuubakar Al­Baqdaadi, waxa uu soo jeediyay in amarka iyo maamulka guud looga danbeyn doono Daacish, sidoo kalane ay qaadan doonaan talooyinka lagu shaqeynaayo.

Hogaamiyaha Sare ee Al­shabaab Ahmed Omar Abucubeyd, ayaa isna ku dhagay inaan loo heyn doonin talada balse ay Daacish uga danbeyn doonaan howlaha kale.

Sidoo kale, labada Horjooge waxa ay isku fahmi waayen dhaqaalaha bil waliba loo qoondeynaayo Al­shabaab midowgooda kadib waxaana arrintaasi muran ka keenay Horjoogaha Daacish, sida aan kasoo xiganay ilo lagu kalsoon yahay.

Maleeshiyaadka Al­shabaab ayaa wixii ka danbeeyay 2015 wajahaaya dhaqaale xumi, waxaana la xaqiijiyay inuu yaraaday dhaqaalihii kaga imaan jiray Urur weynaha Al­qacida oo ay qeyb ka yihiin.

Sababta ugu weyn oo ay ula gorgortamayaan Daacish, ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay ugu wacan tahay dhanka dhaqaalaha, waxaa intaa usii dheer in hoos u dhac uu ku imaaday qulqulka dhalinyaradii ku biiri jirtay Kooxda, halka kuwa ka garab dagaalamaayana ay Kooxda uga baxayaan Xuquuq la’aan, sida ay Xogtu tibaaxeyso.

Sidoo kale, Al­shabaab ayaa labadii Sano ee ugu danbeysay kaalinta koowaad ka gashay Kooxaha Argagixisada kuwooda ugu dhimashada badan, waxa ayna booskaasi kala wareegayKooxda Boko Haram ee Nigeria.

Tirokoobyada cusub ee Mashruuca Colaadaha hubaysan iyo Xarunta Afrika ee Daraasaadka Istiraatiijiga ah ayaa sheegaya in Al­Shabaab ay mas’uul ka ahayd 4.281 dhimashada marka loo eego Boko Haram oo gaystay 3.499.

Kooxda saddexaad ee liiska gashay ayaa ah (ISIS), waxayna mas’uul ka ahaayeen 2.350 dhimashada ee 2016.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in Kooxda Daacish aysan dusha saaran karin culeyska Al­shabaab oo dhan waliba ka saameynkara, marka laga tago duruufaha midnimada.