DHAGEYSO WARBIXIN: Maamo Xaliimo Cali oo ka hadashay dagaalada kasoo cusboonaaday Degaano badan ka tirsan Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

0

Maamo Xaliimo Cali oo kasoo jeeda Deegaanada Hoostaga Dhabbad iyo Saaxo ayaa iyadoo wareysi gaar ah siisay Warbaahinta Allgalgaduud Media waxa ay ka hadashay Soo laalaabashada Dagaalada inta badan dhex mara Xoolo dhaqato ku Abtirsada Puntlnad iyo Galmudug.

Xaliimo Cali waa Hooyo Somaliyeed oo ku nool Dalka Dibadiisa waxa ayna Beel ahaan ku abtirsataa Beelaha Dega Dhabbad iyo Saaxo, Xiriir ay ina la soo samaysay ayay kaga hadahsya Dhibaatooyinka taagan waxa ay isleedahay soo Celcelintooda.

Xaliimo oo sheegtay in qaar ka mid ah Ehelkeeda ay wax yeelo kasoo gaartay Xiisadihii ugu dambeeysay ayaa Galmudug ku eedeysay in ay hurinayso Colaado iyadoo uhiilanayso Beelaha ku Abtirsada Deegaanka Gelisnoor.

Wariye Cumar Laki Man oo ku sugan Caabudwaaq ayaa teleefoonka ku waraystay Maamo Xaliimo Cali oo arimo badan daaha ka qaaday kadibna warbixintaan ayuu inooga diyaariyay.

 

HOOS KA DHAGEYSO

Wariye Cumar Laki Man
Caabudwaaq, Soomaaliya