DHAGEYSO+SAWIRRO:- Hay’addaha WARD iyo OIC oo Maalinkasta 800 oo ruuxoo danyar ah ku afurinaya Magaalooyinka Caabudwaaq Iyo Balanballe.

0

Hay’addaha WARD iyo OIC ayaa Afur u sameeyay 800 (Sideed Boqol) oo Qoys oo ku nool Degmooyinka Balanballe iyo Caabudwaaq Maalinkasta inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaanka.

Barnaamijka Afuri Dadka aan awoodin ee dadka Abaarta ku Ceyroobay iyo Dadka danyarta ah loogu sameenayo afur soconaya Bisha barakaysan ee Soonka kana soo bilowdey kowdii Bisha Ramadaan waxaana ka faa’iidaysanaya Maalin walba Caabudwaaq 450 Qof halka Balanbalana ay tahay 350 Qof.

Mashruucaan Afurinta Dadka Sooman waxaa ku deeqay Xarunta Gar’gaarka Bini’aadnimada ee Dalka Sucuudiga waxaana Dar-dar galiyay Xarunta Xafiiska isbahaysiga islaamka OIC Waxaana Fuliyay Hay’adda lookalka ah ee WARD.

Eng-Bashiir Axmed Jalato oo wakiil uga ahaa Hay’adda soo sadaqaystay Afuri walaalkaaga aan awoodin ayaa sheegay in Raashinkaan oo Bisil,Cabitaan diyaarsan iyo Dhamaan inta ugu wanaagsan ee Qof Sooman ku afuro loogu talagalay in uu ka socdo degmooyika Balanballe iyo Caabudwaaq ilaa bisha Ramadaan.

Runtii waa arin lagu farxo in ay helaan afur dadka ku cayroobey abaarta iyo dadka danyarta ah ee aan awoodin afurka Cid walba oo gacan ka gaysatay Mashruucaan ALLE haka ajarsiiyo Amiin Yaa Rabbi.

HOOS KA DHAGEYSO

Wariye Ayaanle Cabdulaahi Jaamac
Caabudwaaq, Soomaaliya