DHAGEYSO:-Xaalad adag oo laga soo sheegayo Isbitaalka Baladweyne

0

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Magaalada Baladweyne ayaa faah faahin ka bixiyay dad saacadihii u dambeeyay Cudurka Jadeecada ugu geeriyooday tuulooyin ka tirsan Gobolka hiiraan halka qaarkood ay iminka Isbitaalka la jiifaan.

Axmed Maxamed Khaliif Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka hiiraan ayaa sheegay in Isbitaalka saacadihii la soo dhaafay ay cudurka Jadeecada ugu geeriyoodeen,in ka badan 4 Ruux halka kuwo kale ay weli tuulooyinka u ku haayo cudurkaas.

Waxa uu sheegay in weli abaartii ka dhacday  Guud ahaan gobolka hiiraan,ay sababtay nafaqo daro haatana ay Isbitaalka cudurkaas ay la jiifaan Caruur gaareysa ilaa 20 Caruur ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-