DHAGEYSO:- Faah faahinta diyaaraddii Ku burburtay Garoonka Garbahaarey.

0

Diyaarad u rarneed Hay’adda WFB,ayaa Maanta ku dhacday Garoonka diyaaradaha degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo kadib markii ay cilad soo wajahday.

Diyaaradaan ayaa sida raashin Nafaqeysan oo loogu talo galay dadka nafaqadarada heysa ee ku nool degmada Baardheere waxaana la sheegay in qeyb kamid ah diyaarada ay gubtay sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka degmada Garbaahareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Waxa kaloo hadalkiisa uu intaas ku daray in Diyaarada ay markii hore ku dhacday Guri ay degan yihiin dad rayid ah balse ayna cid wax gaarsiin marka laga reebo in Diyaarada qeyb kamid ah ay gubatay sida uu hadalka u dhigay.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO