DHAGEYSO:- Saraakiisha amaanka ee Puntland oo soo saartay amaro lagu xaqiijinayo amaanka Magaalada Garoowe

0

Bashiir Cismaan Cawad Taliyaha saldhiga kontaroolka galbeed ee magaalada Garowe, ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan dar dar gelinta ammaanka kantaroolka Garowe iyo hubinta gaadiidka xamuulka qaada ee isaga kala goosha gobolada Puntland.

Taliyaha ayaa soo dhoweeyay isbedelkii lagu sameeyay ciidankii ka howlgalayay saldhigiisa iyo saldhidiga Laac-dheere, wuxuuna sheegay in dhammaan la badelay ciidankii la howlgalayay, waxaana lagu soo badelay ciidamo cusub oo shaqada la wareegay.

Kabtan Bashiir wuxuu sheegay gaadiidka qaraxyada lagu soo qariyo inay yihiin kuwa qaada xoolaha iyo qudaarta ee ka yimaada inta badan gobolka Hiiraan, Wuxuu tilmaamay laga bilaabo maanta inuusan gudbi doonin gaadiidka aan dhulka la dajin alaabta uu sido.

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliyaha in aysan aqbali doonin in Degaanada Puntland la soo geliyo Qaraxyo, kuwaasi oo lagu dhibaateynayo shacabka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-