Xukun lagu riday Haweeney Soomaali ah

0

Haweeney Soomaali ah ayaa waxaa xukun ku riday Maxkamad ku taalla Magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka, kadib markii ay qiratay dambigii lagu soo eedeeyay, kaasi oo ahaa in ay taageertay Shabaab.

Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Aamina Maxamed Ciise ayaa la sheegay in ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ay u diri jirtay bishiiba lacag dhan 850 Dollar.

Aamina Maxamed oo Afartan iyo Saddex sano jir ah ayaa qiratay dambigeeda, waxaana ay sheegtay Taageeradeeda Shabaab in ay bilowday sanadkii 2014-kii.

Charles Kovats oo ah Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha ayaa waxuu sheegay in Aamino Maxamuud Ciise oo 43 jir ah ay qiritay kiiska lagu soo oogay, waxaana lagu riday 5 sano oo xabsi ah.

Waxaa lagu raad joogaa Labo Haween ah, kuwaasi oo iyaguna garab ku siin jiray Haweeneydan in ay lacago u dirto Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka dalka Mareykanka.