Ururka Al-Shabaab oo qabsaday Degaan muhiim ah

0

Warar ka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay sheegayaan in Kooxda Al-Shabaab ay la wareegeen Deegaan Muhiim ah oo shalay laga saaray.

Al-Shabaab ayaa Markale dib u qabsatay Deegaanka Janaay Cabdalla oo u dhow Magaalada Kismaayo oo ah Xarunta KMG Maamulka Jubbaland.

Ciidamada Dowlada, kuwa Jubbaland iyo Ciidamada Kenya ayaa halkaas isag baxay kadib markii la ogaaday in Al-Shabaab weerar xoogan ku soo yihiin Deegaanka Janaay Cabdalla.

Deegaanka Janaay Cabdalla waxaa shalay Qabsaday Ciidamada Dowlada, Kuwa Jubbaland iyo Ciidamada Kenya oo ay la socdeen Qubaro dhinaca istaraatiijiyada dagaalk aku taqasustay oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka inkastoo Al-Shabaab dib u qabsatay halkaas.

Weli wax war ah kama soo bixin Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidamada Huwanta ah hogaamineysa ee Deegaanka Janaay Cabdalla isag soo baxay.