Sucuudiga iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ka dhan ah Iraan

0

Dowladaha Sucuudiga iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah kaas oo ay ma mid tahay in Iraan aan loo oggolaan in ay Hub u mariso Xuutiyiinta dhanka dalka Jabuuti.

Wasiirada Difaaca ee Jabuuti iyo Sucuudiga,  Cali Xasan Bahdoon iyo Salmaan bin Cabdul Casiis ayaa isla soo qaaday xiriirka labada dal gaara ahaan dhanka amniga oo ay xoogga ku saareen heshiiskooda.

Dowladda Jabuuti waxaa ay ka mid tahay isbaheysiga uu Sucuudiga sameeyay ee la dagaallama Xuutiyiinta dalka Yemen,waxaa uu sidoo kale ku jiraa Isbaheysiga Dalalka Muslimiinta ah ee uu isla Sucuudiga horboodayo.

Dowladda Jabuuti ayaa Sucuudiga Saldhig ka siisay Dlakeeda waxaana la filayaa in Saldhiggaas uu dhawaan dhameystirmo dhismihiisa.

Wax yaaba ay sida gaarka ah uga hadleen labad Wasiir difaac waxaa ka mid ah iskaashiga Amniga labada dal,la dagaallanka Argagixisada iyo in Iraan aan loo oggolaan in ay Hub u gudbiso Xuutiyiinta ay taageerto ee ka dagaallamka Dalka Yemen.