Roobab dadka iyo duunyada ku diirsadeyn ayaa maanta ka da’ay Magaalada Muqdisho.

0

Saakay aroortii ayaa roob dadka iyo duunyada ku diirsadeyn ka hooray degmooyinka Gobalka Banaadir oo mudooyinkii ugu danbeeyay kuleel daran uu ka jiray.

Dadka ku nool magaalada muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobalada dalka ayaa ku waabariistay roob aan badneyn oo ka hooray Magaalada Muqdisho iyo Qaar ka mid ah Gobalada dalka.

Gobalada uu ka da’ay roobka ayaa waxaa ka mid ah Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose, Banaadir, iyo qeyba ka mid ah Jubooyinka, roobka ayaa imaanay Xilli dalka uu ka jiro kuleel iyo Abaaro saameyn balaaran ku yeeshay Gobalada Dalka oo dhan.