Mareykanka oo cunaqabatayn dheraad ah kusoo rogaya K/waqooyi

0

Madaxweyne Donald Trump ayaa u warbixiyay dhamaan xubnaha aqalka senate-ka ee Maraykanka. Madaxweynuhu waxuu ka hadlay khatarta Mareykanka kaga imaaneysa dowlada Kuuriyada waqooyi, waxaa uu na soo bandhigay qorshe uu doonayo in lagu ballaariyo cunaqabatayn la saaro dalkaasi.

Ujeedada howshan laga leeyahay ayaa ah in dowlada Waqooyiga Kuuriya culays lagu saaro sidii ay uga hari lahayd isticmaalka gantlaada ballistika iyo hubka Nuclear-ka.

Mareykanka ayaa mudaba walaac ka muujinayay hubka Nuclear-ka ee ay dowlada Waqooyiga Kuuriya haysato.

 

War qoraal ah oo hadda Maraykanka uu soo saarayna waxaa lagu sheegay in wadahaadalku uu furan yahay. Balse Maraykanku uu diyaar u yahay inuu difaaco isaga iyo saaxibidiisaba.

Madaxwayne ku xigeenka dalka Maraykanka, Mike Pence ayaa horay uga digay in miiska ay saaran yihiin dhamaan talaabooyiinka lagula tacaalayo Kuuriyada woqooyi.

Wuxuu hadalkan jeediyay mar uu boqoday xuduuda labada kuuriya ee militiriga badan ay jogaan .

Mr Pence ayaa sheegay in waqtigii xeeladaha dulqaadka ee Kuuriyada wuqooyi ay dhamaadeen . Dhanka kale Sarkaal sare oo katirsan xukuumada Kuuriyada waqooyi ayaa horay u sheegay in in ay marwalba ay sii wadayaan tijaabada gantaalada.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee xukuumada Pyongyang Han Song-ryol ayaa intaa ku daray in ay tijaabin doonaan gantaaladooda toddobaad, bil iyo sannad walba.