Maraykanka oo looga digay in uu joojiyo Dhaqaalaha uu ku taageero Soomaaliya

0

Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee Gobolka Minnesota ayaa ka digay in Mareykanka uu dhaqaalaha ka jiro Soomaaliya, xili Dalka ay ku dhufteen abaaro xoogan.

Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Minnesota, Tom Emmer ayaa waxuu sheegay in aysan wanaagsaneyn in dhaqaalaha laga jaro Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la garab istaago Soomaaliya, maadaama Dalka ay ku dhufteen abaaro u baahan wax ka qabasho.

Xildhibaan Amy Klobuchar oo ah Mudane ka tirsan Aqalka Sare ee Mareykanka ayaa waxuu sheegay in Xukuumadda Washington looga fadhiyo taageerida Soomaaliya, maadaama malaayiin Ruux ay wajahayaan Xaalad nololeed.

Sikastaba, Hadalka Mudaneyaasha Mareykanka ayaa waxuu imaanayaa xili abaaro xoogan ay ka jiraan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.