FAAHFAAHIN:- Qarax lala beegsaday Saraakiil Cadaan oo ka dhacay J/Hoose

0

Wararka inaga soo gaaray Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay sheegayaan in deegaanka Janaay Cabdalla uu ka dhacay Qarax aad u weyn oo sababay khasaaro kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu haleelay Gaari ay la socdeen Saraakiil cadaan ah oo loo maleeyno kuwo Mareykan ah oo la socday Ciidamada Jubbaland ee shalay deegaanka Janaay Cabdalla ka saaray Al-Shabaab.

Warar ayaa sheegaya in Qaraxa oo ahaa Mid aad u xoogan uu sababa dhimashada iyo dhaawac soo gaartay saraakiishii lala beegsaday inkastoo tirada wax ku noqotay aan weli helin.

Weli wax war ah kama soo bixin Saraakiisha Maamulka Jubbaland Al-Shabaab weli dhankooda wax faah faahin kama aysan soo saarin qaraxaasi ka dhacay Janaay Cabdalla.