Burcad-Baddeed Weeraray Markab Dagaal Oo Laga Lahaa Maraykanka Oo Lagu Xukumay Xabsi Daa’im.

0

War-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Caddaldda Mrayknka (The US Justice Department) ayaa lagu sheegay in Mohamed Farah oo 31-jir ah lagu xukumay Xabsi Daa’im, doorkii uu ku lahaa Weerar ay isaga iyo koox kale ku weerareen Markabka Dagaalka Maraykanka ee USS Ashland bishii April ee sannadkii 2010-kii.

Qoraalka waxaa kale oo lagu sheegay in Eedeysanahaasi lagu xukumay 10-sanno oo dheeraad ah oo ku aadan falka Burcad-baddeeda iyo Weerarkii lagu qaaday Markabka Dagaalka ee USS Ashland.

Markabkaasi oo 7 sanno ka hor lagu weeraray Gacan-biyoodka Cadan ayaa la sheegay inaysan soo gaarin wax dhibaato ah, isla markaana aysan cidna ka dhaawacmin Shaqaalihii la socday Markabkaasi.

Dhinaca kale,  4 Eedeysane oo qeyb ka ahaa weerarkaasi ayaa horey Xabsi ugu muteystay doorkii ay ku lahaayeen Weerarkaasi.