Al-shabaab oo xalay weeraray Afgooye

0

Ciidanka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday farriisimo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Degmada Afgooye.

Al-shabaab ayaa si kadis ah weerar ugu qaaday xero Ciidamada dowladda ku leeyihiin Afgooye halkaas oo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaas halka ay labo kale ku dhaawacmeen,kuwaas oo la sheegayo in ay ka tirsan yihiin dhinacyadii ku dagaallamay.

Taliyhaa Saldhigga Booliska Afgooye Dhame Amiin,ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerar ay Al-shabaab xalay ku qaadeen degmada Afgooye haddana ay deggan tahay xaaladda Magaalada oo ay Ciidanka Dowladda Soomaaliya ku suganyihiin.