XOG CULUS:- Ahlu-sunna oo dooneysa in beesha Habargidir laga qaado madaxweynaha Galmudug

0

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobollada dhexe ayaa hadda doonaya in beesha Habargidir laga qaado madaxweynaha maamulkaasi, si ay u gaaraan hadafkooda ah madaxweyne ku xigeen.

Xubnaha Ahlu-sunna u matalaya wada hadallada ayaa ku adkeysanaya in madaxweyne ku xigeenka Galmudug helaan, waxaana la ogyahay in Ahlu-sunna tahay beesha deggan Guriceel iyo Dhuusamareb.

Haddii beesha Cayr qaadato ama loo ogolaado madaxweyne ku xigenka Galmudg waxaa meesha ku cad in beelaha kale la siin doono madxweynaha maamulkaasi.

Hadaba waa waxa keenaya in uu adkaado wadahadalka u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu-sunna ee ka socanayey Muqdisho.