Xasan Cali Kheyre oo su’aalo laga weydiinayo Arrinta Ciidamada ee mooshinka laga keenay iyo Kulan gaar ah oo..

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in su’aalo ku aadan qorshaha dhismaha Ciidamada laga weydiiyo, kulan gaar ah oo caawa ka dhici doona Xarunta Villa Hargeysa, kaasoo looga yeeray Ra’iisul Wasaaraha.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb geli doona Guddoonka Baarlamaanka, Guddoomiyeyaasha iyo xubnaha Guddiyada Difaaca iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya Warbaahinta ay dibad joog ka noqon doonto kulankan gaarka ah ee su’aalaha lagu weydiinayo Ra’iisul Wasaaraha.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa shalay dood kulul ka yeeshay mooshin laga keenay qorshaha Amniga Qaranka ee ku saabsan dhismaha Ciidamada, iyadoo Xildhibaanada si adag uga soo horjeesteen.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in qorshahan uu halis ku yahay Qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya, sidaas darteed ay Madaxda dowladda sameeyeen mas’uuliyad darro weyn.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in qorshahan oo la doonayo in la horgeeyo shirka London ay ka hor imaaneyso dhismaha Ciidamo Qaran ay yeelato Soomaaliya, iyo barnaamijkii isku dhafka Ciidamada ee ay waday dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa laga soo saaray qorshaha Amniga Qaranka ee dhismaha ciidamada, kaasoo dhigaya in la dhiso 18,000 oo ciidan, kuwaasoo min 3-kun uga imaanaya Maamul goboleedyada.