TOP NEWS:- Duqa Muqdisho oo Magacii Ka Badalay Gobolka Banaadir

0

Amar ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa lagu sheegay in Magac ahaan sida loo yaqaanay Gobolka la badelay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed ayaa soo gudbiyey Amar ah in Banaadir aan la dhihi karin hadda kadib ayna sida saxda ah Tahay Benaadir.

Waxa uu Duqa Muqdisho Sheegay in Khaladaad badan ka jiro qaabka ku dhawaaqista iyo Qoraalka Erayga Banaadir.

Af Soomaaliga ayaa Erayadiisa waxaa ku jira kuwo isku dhihid ka siman,dhawaq iyo Qoraal oo hadana ku kala duwan dhinaca Macnaha guud.