Madaxweynaha oo magacaabay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u magaacabay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay in Yuusuf Jaalle si rasmi ah loogu magacaabay xilka Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada, iyadoo xilka laga qaaday Mr C/waaxid Sheekh Cumar oo xilkan hayay.

Yuusuf Jaalle ayaa horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana uu ka soo jeedaa magaalada Jowhar ee xarunta u ah Gobolkaas.

Mr Yuusuf Jaalle ayaa horay madax uga ahaa  Ololaha doorashada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay nin shaqo badan oo af gaaban, horayna uga soo baxay shaqooyinka loo dhiibay.

Is bedelkan iyo magacaabistan Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada ayaa qeyb ka noqoneysa is bedelo horay ugu dhacay xilal kala duwan, mudada labada bilood ee uu Madaxweynaha xafiiska joogo, waxaana wali halkeeda ka sii socota seefta xil ka qaadista ee xubnaha xilalka haya ee dowladdii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.